Iiraan oo sheegtay inay qasab tahay inuu Maraykanku xaqiiqooyinka aqbalo oo cunaqabataynta ka qaado

0
335

Sarkaalka ugu sarreeya guddiga wada xaajoodka Iiraan ayaa sheegay inay qasab tahay dowladda Maraykanku inay qaado cunaqabataynta saaran wadankaasi inta lagu guda jiro wada hadalka nukliyeerka ee toddobaadka danbe ka dhacaya Vienna.
Wakiillada Iiraan iyo saxiixayaasha kale ee heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii ayaa dalka Austria ku sugnaan doona laga billaabo 29-ka bishaan si ay isugu dayaan inay soo celiyaan qorshaha wadajirka ah ee wax ka qabashada hubka wax gumaada heshiiskaas oo Maraykanku ka baxay 2018-kii.
Dowladda Iiraan,Shiinaha, Ruushka,Ingiriiska,Faransiiska iyo Jarmalka ayaa dib u billaabaya wareegga lixaad ee wada hadalka joogsaday bishii Juun xilligaas oo la doonayay in madaxweynaha cusub ee Iiraan Ebrahim Raisi la siiyo fursad uu ku soo dhiso xukuumadiisa.
Sidii horayba u dhici jirtay Maraykanka ayaa si dadban uga qayb qaadan doona gorgortanka hadii lagu guulaystana waxaa la arki doonaa in Maraykanku qaado cunaqabataynta adag ee uu Iiraan ku soo rogay kadibna xukuumadda Tehraan ay si buuxda ugu hoggaansanto qodobbada heshiiska.
Xukuumadda Tehran ayaa horay u sheegtay inay diyaar u tahay waxay ku tilmaamtay heshiiska wanaagsan ee Vienna balse waa inuu Maraykanku aqbalaa mas’uuliyadda qaadidda dhamaan cunaqabataynta la saaray tan iyo 2018-kii uuna damaanad qaado inuusan mar kale ka bixi doonin heshiiska.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay qaadista cunaqabataynta aan heshiiska waafaqsanayn wuxuuna cadeeyay inay sii jirayaan qaar ka mid ah cunaqabataynnada xuquuqul insaanka iyo argagixisada ee la saaray Iiraan saddexdii sano ee la soo dhaafay wuxuna Maraykanku sidoo kale sheegay in waqtiga heshiiska lagu gaari lahaa oo gabaabsi yahay Iyadoo Barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu sii socdo.
Agaasimaha guud ee wakaallada tamarta nukliyeerka caalamiga ah Rafael Grossi ayaa la filayaa inuu berri magaalada Tehraan markii ugu horraysay kula kulmo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee dalkaasi Hossein Amir abdollahian.
Waxay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah oo barnaamijka nukliyeerka Iiraan ku saabsan gaar ahaan ka bixitaankii heshiiska ee Maraykanka, dilka saynisyahankii ugu sarreeyay ee nukliyeerka iyo weerarro kale oo lagu qaado goobaha hubka nukliyeerka Iiraan oo lagu eedeeyay Israa’iil.