Miguna oo lagu amray inuu 72 saacadood gudahood u helo dukumenti socdaal ah si uu dalka u imaado

0
425

Maxkamdda sare ee dalka ayaa fartay qareenka labada mar dalka laga tarxiilay Miguna Miguna inuu ka qaato dukumenti socdaal oo degdegga ah meel kasta oo uu joogo, si loogu ogolaado inuu wadanka dib ugu soo laabto.
Dr. Miguna ayaa 72 saacadood gudahood looga baahan yahay inuu dukumentiyada la xiriira socdalkiisa dalka ka helo safaaradaha Kenya ee Berlin ee Jarmalka ama Ottawa ee wadanka Canada si ay ugu fududaato inuu dib ugu soo laabto Kenya.
Waxaa go’aankan maanta soo saaray garsooraha maxkamadda sare Hedwig Ongudi.
Waxaa uu xusay in dukumentiyada la xiriira socdaalka, ay fududeyneyso in Miguna uu soo raaco duulimaadka xiga.
Maxkamadda sare ayaa sidoo kale sheegtay in qareenka aan loo ogolaan doonin inuu kaarka aqoonsiga qaran ee ID-card uu u isticmaalo dukumeenti socdaal ah.
Waxaa ay intaa ku dartay in kaliya marka uu soo galo Kenya uu adeegsan karo kaarka aqoonsiga qaran.
Waxaa ay sidoo kale maxkamadda amartay in dowladda ay u ogolaato inuu dalka soo galo qareen Miguna Miguna marka uu buuxiyo shuruudaha laga doonaya.
Qareenkan oo fadhigiisu yahay dalka Canada ayaa dhankiisa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu soo mari doono magaalada Paris ka ddibna diyaarad sidda ay soo caga dhigan doonto gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Dr. Miguna, ayaa dalka laga tarxiilay bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii, ka dib markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka Kenya.