Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in dowladda ay waddo qorshe si tartiib tartiib ah loogu ballaarinayo awoodda kaabayaasha tacliinta ee dhammaan dugsiyada sare ee wadanka.
Bayaan uu soo saaray wasiirka tacliinta ee dalka ayuu ku sheegay in tillaabadan looga golleeyahay in lagu taageero qorshaha dowladda ee ah in boqolkiiba boqol la helo arday badan oo heerka lixaad ee sanadka 2023-ka u gudbo dugsiyada sare.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in la dhiso in ka badan 10,000 oo fasallo cusub oo dheeraad ah guud ahaan dalka, oo loogu talagalay manhajka cusub ee waxbrashada ee CBC.
Waxaana ay wasaaradda maaliyadda ee dalka fasallada dheeraadka ee la dhisayo uu qoondeysay dhaqaale dhan 8 bilyan oo shilinka.
Prof. George Magoha ayaa sheegay in wasaraadda maaliyadda ay ka heleen 4 bilyan shilin oo horudhac ah, si loo bilaabo wejiga koowaad ee barnaamijka horumarinta kaabayaasha dugsiyada ee manhajka CBC.
Waxaa uu sheegay in dhaqaalahan oo lagu daray 1.2 bilayn oo ay ka heshay sanduuqa kaabayaasha dugsiyada lagu dhisayo 6,500 oo fasal oo ka kooban 6,371 ee dugsiyada sare ee dalka.
In badan 8.1 milyan oo arday ah ayaa ku biiray dugsiyada tan iyo markii la dhaqangeliyay nidaamkan cusub ee tacliinta iyadoo uu madaxweynaha dalka sheegay in si joogto ah loo sii ballaarin doono.
Hannaanka cusub ee waxbarashada ee 2-6-3-3 ayaa la daahfuray sanadkii 2017-kii si loogu beddelo manjahkii hore ee 8-4-4.
Ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ayaa ah in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha.