Dowladda oo xaqiijisay inay ka dhabayn doonto abaalmarin la siinayo shacabkii soo gudbiyay xogta maxaabiistii baxsaday

0
419

Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee (NPS) ayaa sheegtay inay ka dhabayn doonaan ballanqaadkoodii ahaa in abaalmarin lacageed oo dhan 60 milyan oo shilin la siin doono cidii soo gudbiso xog fududeyn karto in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadkii toddobaadkii hore ka baxsaday xabsiga wayn ee Kamiti ee magaalada Nairobi, kuwaas oo maalmo ka dib laga soo qabtay ismaamulka Kitui.
Eedeysanayaasha ayaa xabsiga sida wayn loo ilaaliyo ee Kamiti Maximum ka baxsaday 15-kii bishan.
Afhayeenka booliska ee dalka Bruno Shiosho ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in geeddisocodkan la xaqiijinn doono, si loo hubiyo in dadka mudan oo kaliya la abaalmariyo.
Waxaa uu xusay inay jiraan dad badan oo ku andacoonaya inay dowr ku lahaayeen in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.
Waxaa uu sheegay in xaqiijin dheeraad ah la sameyn doono si la ogaado dadkii saxda ahaa ee soo gudbiyay xogta raggaan.
Mr. Shioso ayaa qiray in dowladda ay ka go’antahay inay ka dhabayso ballanqaadkeedi ku aadan abaalmarintan.
Afhayeenaka booliska ayaa dhanka kale xaqiijiyay in aan la ogaan doonin macluumaadka dadka xogta la soo wadaagay oo ay ahaan doonto mid marwalba qarsoon.
Shakhsiyaadkan ku eedeysan argagixisanimada ayaa lagu kala magacaabaa Musharaf Cabdalla oo la xiray 30-kii bishii sagalaad ee sanadkii 2012-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay iskuday la doonayay in lagu weeraro dhismaha baarlamaanka dalka isagoo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu sitay hub iyo waxyaabaha qarxa.
Maxamad Cali Abikar ayaa isna la qabtay ka dib markii sida ay sheegeen laamaha ammaanka uu ka qayb qaatay weerarkii jaamacadda Garissa ee 2-dii bishii Afaraad ee sanadkii 2015-kii, isagoo ku xukunaa 41 sano oo xabsi ah.