Wasaaradda maaliyadda oo soo saartay 8 bilyan oo lagu dhisayo fasallo dheeraad ah

0
259

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa soo saartay miisaaniyad dhan 8 bilyan oo shilin taasoo loo adeegsan doono in lagu dhiso ilaa 10,000 oo fasallo cusub ah.
Qorshahan ayaa la doonayaa inuu horseedo in lagu guulaysto hirgelinta manhajka waxbarashada ee CBC oo la aaminsan yahay in ardayda uu ka soo dhisi doono dhanka xirfadaha.
Sidoo kale waxaa uu fududeynayaa in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare ee wadanka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof.George Magoha ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in 8-da bilyan lagu wareejiyay ka dib amarkii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ee 20-kii bishii hore.
Fasallada la dhisaya ayaa loo mari doonaa labo waji iyadoo wajiga koowaad ay ku baxayso 4 bilyan .
Lacagtan oo lagu kordhinaya 1.2 bilyan oo laga soo saaraya sanduuqa kaabayaasha waxbarashada ayaa lagu qarash gelin doonaa in la dhiso 6,500 oo fasallo ah oo laga hirgelinaya 6,371 ka mid ah dugsiyada sare ee dalka.
Wasiir Magoha ayaa sheegay in guddi dhinacyo badan ah oo ka kooban wasaaradda waxbarashada, arrimaha gudaha , guddiga isku dubarido howlaha dowladda dhexe iyo hay’adaha kale loo xilsaaray dhaqangelinta mashruucan.