Toogasho khasaare gaysatay oo ka dhacday Quddus

0
423

Waxaa lagu soo warramayaa in qof ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas ee dalka Falastiin uu manta rasaas furay xilli uu ku sugnaa magaalada Quddus.
Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay iyadoo saddex kale ay dhaawacmeen.
Ilo wareedyo ka tirsan booliska iyo waaxyaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay falka dhaliyay khasaaraha isugu jiro dhimashada iyo dhaawaca.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in qofka rasaasta furay ay isla goobta ku toogteen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett uu amray in ammanka la adkeeyo.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan maadaama laga cabsi qabo weerarro kale.