Madaxweynaha Congo oo mamnuucay bixinta leesimada lagu soo saaro macdanta

0
338

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC Felix Tshisekedi ayaa lagu soo warramayaa inuu amray in aan la bixin leesimada la xiriira soo saaridda iyo ka ganacsiga macdanta.
Waxaa uu sheegay in amarkan uu shaqeyn doono ilaa iyo inta baaritaan dhameystiran looga sameynayo waaxdan.
Tallaabadan ayaa ah mid looga gol-leeyahay in meesha looga saaro khiyaano maaliyadeed .
Tshisekedi ayaa wasiirrada ku wargeliyay inuu doonayo in la soo afjaro lunsashada hantida laga helo macdanta wadankaasi.
In kastoo uunan shakhsiyaad gaar ah magacdhawin, madaxweynaha ayaa carrabka ku dhftay inay jiraan siyaasiyiin iyo saraakiil qaabilsan diiwaangelinta ganacsiyada macdanta oo wax isdabamarino sameeya.
Bangiga adduunka ayaa laga soo xigtay in kastoo wadanka DRC uu hodan ku yahay macdan haddan in ugu yaraan boqolkiiba 70 ee shacabka halkaasi ku nool ay maalinkii quutaan wax ka yar 1.90 doolar.