Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 6 senetarro oo si magacaabis ku galay aqalka sare oo xisbiga Jubilee...

6 senetarro oo si magacaabis ku galay aqalka sare oo xisbiga Jubilee laga saaray

Lix senetarro oo si magacaabis ah ku galay aqalka sare ee dalka ayaa maanta la shaaciyay in xisbiga Jubilee laga saaray.
Guddiga qaran ee maamulka xisbiga Jubilee ee NMC ayaa maanta oo Isniin ah kulan ka yeeshay warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga edbinta ee xisbigaasi oo senetaradan ka soo hor muuqdeen.
Senetaradan ayaa kala ah Isaac Mwaura, Mary Yiane, Waqo Naomi Jilo, Millicent Omanga, Prengei Victor, Iman Dekow iyo Gona Christine Zawadi.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in lagu helay senetaradan caddeymo muujinaya in hareer mareen sharciyada u degsan xisbigaasi.
Raphael Tuju ayaa dhanka kale sheegay in aqalka senetka iyo guddiga diiwangelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka in loo gudbiyay magacyada senetaradaasi islamarkaana xilalka ay hayeen lagala laabtay oo aysan si hayni karin ama ka sii mid ahaan karin senetarro u soo magacaabay xisbiga Jubilee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments