3 qof oo lagu dhaawacay weerar burcad ay ka gaysatay ismaamulka Marsabit

0
477

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof la dhigay isbitaalka wayn ee ismaamullka Marsabit ka dib makii uu dhaawac ka soo gaaray weerar lagu soo qaaday gurigooda oo ku yaalla deegaanka Kiwanja Ndege ee dowlad deegaankaasi gelinkii dambe ee shalay.
Saddexda qof ee waxyeeladu soo gaartay ayaa kala ahaa nin, qof dumar ah iyo ilmo yar.
Waxaana abaare 4-tii galabnimo ee shalay weerar gurigooda ku soo qaaday labo nin oo gacan ku dhiigleyaal ah, oo weerarka ka dib ku baxsaday mooto.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Marsabit David Saruni ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay wali ku raad joogaan labadii nin ee weerarka soo qaaday oo u baxsaday dhanka deegaanka Dakabaricha ee isla dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu intaa ku daray inay sameynayaan wax walba oo suurtagal ah si gacanta lagu soo dhigo burcadda falkan gaysatay.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe ay sare u kacday xiisadda ka taagan dowlad deegaankaasi taasoo la xiriirta dilalka.
Inta badan kuwa weerarka gaysta ayaa adeegsada mootooyin si ay u baxsadaan.
Maamulka dowlad deegaankaasi ayaa magaalada Marsabit ka mamnuucay mootooyinka si loo xakameeyo mowjadaha amni darro.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay ka qaxeen ismaamulkaasi oo ay aadeen dowlad deeegannada kale iyo magaalooyinka deriska la ah sida Isiolo, Nanyuki iyo Nairobi.