Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa si kulul u cambaareysay xisbiyada siyaasadeed iyo musharraxiinta u hanqal taagaya xilalka kala duwan ee doorashada guud sanadka dambe.
Iyadoo ay dalka ka wadaan isu soo baxyo siyaasadeed oo aad u tiro badan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga, ayaa guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati uu ka digay in jawiga hadda jira uu yahay mid aan la rabin, lagana yaabo in uu qalqal galiyo jawiga siyaasadeed ka hor doorashada guud ee soo socoto.
IEBC ayaa walaac ka muujisay ololaha joogtada ee siyaasadeed ay wadaan qaar ka mid asxaabta siyaasadda ee doonaya inay u tartamaan jagooyinka kala duwan, kuwaas oo ololahooda bilaabay ka hor xilligii la qorsheeyay.
Waxaa guddiga IEBC xusay in sharcigu uu awood u siinayo in ay xakameeyaan ololaha siyaasadeed ee la bilaabay xilli hore oo sharciga ka baxsan, sida ku cad qorshaha howlaha doorashooyinka ee EOP.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa ka codsaday siyaasiyiinta inay ka waantoobaan ololaha siyaasadeed ee xilli hore laguda galay.
Mr. Chebukati ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay go’aanka ay gaareen labada hoggaamiye William Ruto iyo Raila Odinga ee ku aadan inay bilaabaan olole siyaasadeed ka hor taariikhda la qorsheeyay.