DHAGEYSO:Dhakhaatiirta isbitaalka wayn ee Moi oo shaqo joojin ku hanjabay

0
480

Howlwadeenada caafimaadka ee isbitaalka wayn ee Moi ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa sheegay in Isniinta soo socoto ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan haddii aan la xallin tabashooyinkooda.
Waxay sheegeen in aan la siin lacago gunnooyin ah oo ay u xaq leeyihiin.
Saraakiishan oo sidoo kale culuunta caafimaadka ka dhiga jaamacadda Moi ayaa xusay in ilaa iyo hadda aan lagu guulaysan dadaallo ku aaddan sidoo ay ku heli lahayeen lacagaha ka maqan.
In ka badan 100 dhakhaatiir ah ayaa la filayaa inay shaqo joojinta ka qayb qaataan tani oo laga cabsi qabo inay si wayn u saameyso bixinta adeegyada caafimaadka ee ismaamulkaasi.
Mid ka mid ah dhakhaatiirta cabanaya oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkiisa sidan u muujiyay.