Kenya iyo Masar oo ka wada hadlaya suuqgeynta hilibka

0
546

Dowladda Kenya ayaa Masar la billowday wada hadallo looga gol-leeyahay in hilibka xoolaha dalka loo suuqgeeyo wadankaasi.
Masar ayaa hadda hilibka looga keenaa dhanka wadamada Australia iyo Brazil oo ay masaafo aad u dheer isu jiraan dalalkan.
Safiirka Kenya u fadhiya magaalada Qaahira ee dalka Masar Jeff Otieno ayaa sheegay in hilibka dalka uu suuq uga bannaan yahay wadankaasi.
Waxaa uu xusay in Masaaridu ay aad u cunnaan hilibka.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshahan oo soo socday labo sano la filayo inuu miro-dhalo 6 bilood ka dib.
Sanadkii 2020-kii ayay dowladda Kenya wadamada kale ee caalamka u iibgeysay badeecooyin ay ka mid yihiin caleenta shaaha , ubaxa iyo miraha laga sameeyo cabitaannada waxayna qiimo ahaan ku fadhiyeen 20 bilyan oo shilin.
Suuqyada hilibka ee Kenya ayaa sannadihii la soo dhaafay si xowli ah u korayay iyadoo in ka badan 14.4 milyan oo neef lagu gowracay gudaha wadanka sanadkii hore ee 2020-ka, taas oo ay ku korodhay 31 boqolkiiba marka la barbardhigo sanadkii 2019-ka.
Iyadoo Kenya iyo Masar ay labaduba xubno ka yihiin dalladda dhaqaale ee bariga iyo koonfurta Afrika ee (COMESA) ay tani noqon kartaa waqtiga ugu habboon ee Nairobi ay ku dhiiran karto ganacsiga dhoofinta hilibka.