Madaxweynaha dalka oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii waaxda asluubta ee wadanka

0
677

Madaxweynaha dalka ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyihii guud ee waaxda asluubta ee wadanka Wycliffe Ogallo, islamarkaana la xiray ka dib markii dhawaan xabsiga wayn ee Kamiti ay ka baxsadeen saddex maxaabiis ah.
Waxaa jagada laga qaaday loo magacaabay John Kibaso Warioba.
Sidoo kale waxaa la xiray taliyaha xabsiga Kamiti Charles Mutembei iyo ku xigeenkiisa, sida ay booliisku sheegeen.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo saraakiisha ammaanka faray in qaadaan tallaabo kasto oo gacanta lagu soo dhigayo shakhsiyaadkii xabsiga ka baxsaday.
Waxaa uu dhanka kale hay’adaha dembi baarista ugu baaqay inay sharciga horkeenaan saraakiishii fududeysay in dambilayaasha ay baxsadaan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa kenyaanka ku boorriyay cid walbo oo hesho xog ku saabsan eedeyaanayaasha baxsaday ay ku wergeliyaan saldhigga booliska ee ugu dhow.
Dhanka kale agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka Mr. George Kinoti ayaa sheegay in saraakiisha xilka laga qaaday ay ku jiraan xabsiga si ay gacan uga geystaan ​​​​baaritaannada.
Waxaa uu intaa ku daray inay mas’uul ka yihiin maxaabiista xabsiga ka baxsatay.
Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haystay argagixisanimo ayaa lagu kala magacaabaa Musharaf Cabdalla, Maxamad Cali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo.
Wasiirka wasaraadda arrimaha gudaha ayaa dhankiisa dhawaan wacad ku maray in saraakiil dheeraad ah la xiri doono si dacwad loogu soo oogo.
Dr .Fred Matiangi ayaa bayaan ku sheegay in baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in habacsanaan iyo dayacaad mas’uuliyadeed ay fududeeyeen inay maxaabiista xabsiga ka cararaan.