Dowladda Kenya ayaa xoojisay ammaanka guud ahaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda, ka dib qaraxyadii mataanaha ee maanta ka dhacay caasimadda wadanka Uganda ee Kampala oo ay ku dhinteen 6 qof halka ay 33 kale ay ku dhaawacmeen.
Afhayeenka booliiska ee dalka Bruno Shioso oo la hadlay idaacadda maxalliga ee Capital ayaa sheegay in cutubyo ka kooban ciidamada sida gaarka u tababaran ee GSU-da, booliiska maamulka iyo saraakiisha heeganka guud ku jira la geeyay xarumaha muhiimka ah ee dowladda ee ku yaalla agagaarka xarunta baarlamaanka, hanti-dhowraha qaranka, xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC, xarumaha booliiska, aagga Kencom ee bartamaha caasimadda iyo meelo kale muhiim ah.
Mr. Shioso ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka dalka ka dib qaraxyadii maanta ee wadanka Uganda.
Afhayeenka booliiska ee dalka Bruno Shioso, ayaa horaan sheegay in dowladdu ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo looga hor taggayo inay weerar la mid ah kuwa dalka Uganda ay ka dhacaan Kenya.
12-kii bisha ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu waaxyaha kala duwan ee qaabilsan arrimaha amniga ku amray inay feejignaan sare muujiyaan.
Waxaa uu u soo jeediyay inay sare u qaadaan howlaha kormeerka guud ahaan dalka.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan u aaneeyay falal amni darro oo ka jiro qaybo ka mid ah gobolka.