Waxaa la filayaa in maanta caasimadda wadanka ee Nairobi ay yeelato guddoomiye rasmi ah.
Anne Kananu oo ahayd ku xigeenka guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ayaa maanta loo dhaarinayaa xilkii laga xayuubiyay Mike Sonko ka dib markii lagu eedeyay maamul xumo.
Qoraal lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda ayaa waxaa ku cad in barasaabka cusub ee Nairobi abaare 10-ka barqanimo ee maanta lagu dhaarin doono xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Kananu ayaa noqon doontaa guddoomiyihii saddexaad ee dowlad deegaanka Nairobi tan iyo markii sanadkii 2010-kii la soo saaray dastuurka hadda wadanka lagu maamulo.
Dhaarinta Kananu ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii maxkamadda sare dalka ay meesha ka saartay dacwad racfaan ah oo uu gudbiyay guddoomiyihii Nairobi Mike Sonko, islamarkaana uu kaga soo horjeeday in ku xigeenkiisi Anne Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha caasimadda dalka.
Maxkamadda sare ayaa diiday codsiga Sonko iyadoo u sababaysay inaysan awood u lahayn inay soo bandhigto dacwadda uu gudbiyay.
Bishii hore ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ay go’aamisay in Ann Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha Nairobi.
Magaalo madaxda dalka ee Nairobi ayaa guddoomiye la’aan ahayd tan iyo bishii 12-aad ee sanadkii hore markaas oo Sonko xilka laga xayuubiyay.
Sida sharcigu qabo, haddii booska barasaabka banaanaado ama xilka laga xayuubiyo, ku xigeenkiisa ayaa la wareegaya xilka guddoomiyaha inta ka hartay mudda xileedkiisa.
Bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii barasaabkii xilka laga qaaday ee Mike Sonko uu u magacaabay Anne Kanunu ku xigeenkiisa, balse turxaan bixinteeda waxaa dib u dhigay kiis maxkamadeed oo la gudbiyay.
Waxaa wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ay horraantii sanadkan turxaan bixiyeen Anne Kananu oo loo soo magacaabay ku xigeenka guddoomiyaha caasimadda dalka, waxayna ansaxiyeen inay xilkan buuxiso.