Miguna Miguna oo laga hor istaagay inuu dib ugu laabto Kenya

0
616

Qareenka labada mar dalka laga tarxiilay Miguna Miguna ayaa wadanka imaan doonin maalinta berri, sida uu horaan u shaaciyay.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii dowladda Kenya ay maanta soo saartay digniin cas oo cusub oo ku socota shirkadda diyaaradaha ee Air France oo qorshuhu ahaa in Miguna uu ka soo raaco caasimadda wadanka Jarmalka ee Berlin.
Qoraal uu qareenka soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu yiri: “Tani waa in aan Kenya iyo caalamkaba ogeysiiyo in saraakiisha shirkadda Air France ee ku sugan goobta laga soo galo garoonka diyaaradaha Berlin ee Brandenburg ay ii sheegeen in dowladda Kenya ay saaka u soo dirtay digniin cas, taas oo hor istaageyso inaan kasoo dago gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi”
Mr. Miguna ayaa intaa ku daray in diyaaradda aysan awood u lahayn inay soo qaadaan si uu dalka dib ugu soo laabto.
Qareen Miguna ayaa mar sii horreysay wacad ku maray inuu dib ugu laaban doono Kenya inkastoo go’aanka maxkamadda sare ay u diiday codsigiisa ahaa in laga qaado digniinta cas ee xannibeyso socdaalkiisa wadanka.
Bayaan uu soo saaray 12-kii bishan, ayuu caddeeyay inuusan ka laaban doonin safarkiisa Kenya, isagoo sheegay inuu horay u haystay amar maxkamadeed oo u oggolaanayo inuu wadanka imaado.
Miguna ayaa intaasi ku daray in uusan ka caajisi doonin inuu u dagaalamo xuquuqdiisa muwaadinimo ee Kenya, isagoo sheegay in xitaa haddii laga hor istaago inuu u soo duulo dalka uu dib ugu laaban doono maxkamadda.
Mr. Miguna Miguna ayaa markii ugu horreysay dalka laga tarxiilay bishii Labaad ee sanadkii 2018-kii ka dib markii hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka.
Waxaa uu haystaa laba dhalasho oo kala ah Kenya iyo Canada.