Labo wakiil oo ka tirsan golaha hoose ee Homa Bay oo loo xiray lunsashada 85 milyan oo shilin

0
510

Waxaa xabsiga loo taxaabay laba wakiil oo ka tirsan golaha hoose ee ismaamulka Homa Bay, kuwaas oo ka mid ahaa lix tuhmane oo loo xiray eedeymo la xiriira lunsashada lacag dhan 85 milyan oo shillin.
Bayaan uu maanta soo saaray madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak ayuu ku sheegay in shakhsiyaadka la xiray ay yihiin agaasimayaal si toos ah ugu xirnaa shirkadaha kala ah Nyangume Enterprises iyo Damila Enterprises .
Shirkadda Nyangume Enterprises ayaa waxaa iska leh xaaska karraanigii hore ee golaha hoose ee dowlad deegaanka Homa Bay Bob Kephas Otieno, halka Damila Enterprises uu leeyahay maareeyaha laanta Bankiga Equity ee ismaamulka Homa Bay David Obonyo Mireri.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada shirkadood ee Nyagume iyo Damila ay jeebka ku shubteen lacag dhan 72,815,105 milyan oo shillin oo ahayd dhaqaale la doonayay in loogu adeego dadweynaha ismaamulka Homa Bay.
Mr. Mbarak ayaa sheegay in lixda qof berri la soo taagi doono maxkamadda, si ay u wajahaan eedeymo la xiriira ku tagrifal xafiis, lunsashada kheyraadka shacabka iyo hanti dadweyne oo ay si sharci darro ah ku qaateen.