Militariga Suudaan oo dilay in ka badan 5 dibadbaxayaal ah

0
440

Ciidamada difaaca ee wadanka Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen ugu yaraan 5 qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaal .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tiro kale oo dhowr ah la dhaawacay.
Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ee Suudaan ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay adeegsadeen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilimeysiisa .
Kumanaan ka mid ah dadweynaha Suudaan ayaa weli dhigaya mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee bishii hore.
Meelaha saameynta ugu badan ee dibadbaxyada laga dareemayo waxaa ka mid ah caasimadda dalkaasi ee Khartoum iyadoo saraakiisha difaaca ay wajahayaan dhaliil caalami ah oo ku aaddan qaabka ay uga falcelinayaan rabshadaha.
Guddiga dhakhaatiirta Suudaan ayaa dhankiisa sheegay in dilalkan ay dhaceen shalay iyadoo afar qof la toogtay halka mid shanaad uu u dhintay naqaska oo ku dhegay ka dib markii lagu tuuray sunta dadka ka ilimeysiisa.