Xisbiga ODM ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada kaga tacsiyeeyay geerida ku timid 4 ka mid ah howlwadeenada xafiiska xildhibaanka deegaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir oo shil ku dhintay.
Saraakiisha geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray Cali Cumar Naaman, Ms. Carol Wayua Mueni, Athman Maxamad Cumar iyo Elysian Musyoka .
Waxaa sidoo kale qoysaska ay dadkan ka baxeen tacsi tiiraanyo leh u diray xildhilbaanka deegaanka Mvita Cabdulswamad Nassir .
Shilka ayaa xalay fiidkii ka dhacay dowlad deegaanka Lamu.
4-ta qof ee geeriyooday ayaa waxay qayb ka ahaayeen kolonyo gaadiid ah oo Mombasa ka tagay ayna saarnaayeen shaqaalaha xildhibaankan iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa kuwaasi oo ku wajahnaa Lamu halkaasi oo maanta lagu wado in uu ka dhaco kulan uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga qabanayo.