Ciidamada booliska ee ku maqan fasaxa oo lagu amray inay shaqadooda dib ugu soo laabtaan

0
596

Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa ku amray dhammaan ciidamada booliska ee ku maqan fasaxa ay dib ugu soo laabtaan waajibaadkooda shaqo maalinka Isniinta ee 15-ka bishan.
Amarkan ayaa sida uga dhaqsiyaha badan dhaqangalaya.
Tani ayaa looga gol leeyahay in sare loo qaado xaqiijinta guud ahaan ammaanka dalka.
Waxaa uu amarkan kusoo aadaya maalin uun ka dib markii uu madaxweynaha dalka Uhuru kenyaatta uu feejignaan sare geliyay laamaha ammaanka ee wadanka.
Waxaa uu u soo jeediyay Mr. kenyaatta in laamaha ammaanka sare u qaadaan howlaha kormeerka guud ahaan dalka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa arrinkan u aaneeyay falal amni darro oo ka jiro qaybo ka mid ah gobolka.