Booliska Nairobi oo xiray nin looga shakiyay aragagixisanimo

0
651

Saraakiisha booliiska ayaa xiray qof looga shakiyay argagixisanimo oo ku sugnaa xarunta laga dukaameysto ee deegaanka Lang’ata ee magaalada Nairobi.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa la qabtay abaare 2-dii habeenimo ee xalay.
Waxaa la sheegay in tuhmanaha uu u tagay sarkaal boolis ah oo roondo ku jiray isaga oo doonaya in uu ogaado faahfaahin ku saabsan goob lagu caaweeyo oo halkaasi ku taallo, si uu u ogaado xilliga la furo iyo wakhtiga la xiro xaruntaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobtaasi ay ku sugnaayeen dad aad u tiro badan.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay in eedeysanaha uu sarkaalka booliska u soo bandhigay 180 kun shillin si u faahfaahin uga siiyo xaruntaasi lagu caaweeyo.
Waxaa sidoo kale la sheegay in tuhmanaha uu sitay laba baasaboor oo kala ah Mareykan iyo Soomaali.
Saraakiisha ayaa dhanka kale soo heleen lacag dhan 1,396 oo doolar islamarkaana u dhignata 156,421 oo shillin oo eedeysanaha watay.
Waxaa haatan eedaysanaha gacanta ku haya baarayaasha la dagaalanka argagixisada.
Tani ayaa kusoo aadeyso ka dib markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu waaxyaha kala duwan ee qaabilsan arrimaha amniga ku amray inay feejignaan sare muujiyaan.
Waxaa uu u soo jeediyay inay sare u qaadaan howlaha kormeerka guud ahaan dalka.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan u aaneeyay falal amni darro oo ka jiro qaybo ka mid ah gobolka.