Ciidamada Booliska magaalada Mombasa ayaa salaadii jimcada ka dib sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala caryriyeen dad isugu soo baday fakaaraha makadara ee magaalada Mombasa.
Dadkani oo qaar ka mid ah ahaayeen ehelka dad laga afduubtay magaalada Mombasa ayaa waxaa iyaga iyo Masuuliyiin ka tirsan haayada xuquuqul insaanka ee HAKI AFRIKA ,iyo xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Mvita Mudane Abdisamad Sharif Nassir ay isugu soo baxeen fagaaraha Makadara halkaasi oo ciidamo aad u fara badan ay dowladu maanta keentay ka dib markii ay ogaaday in banaan bax looga soo hor jeedo afduubka dhalinyaro bil ka hor magaalada Mombasa laga afduubtay.