Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay masjid ku yaalla Afghanistan

0
372

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qarax laga soo tabiyay masjidka ku yaalla aagga Spin Ghar ee gobolka Nangarhar, bariga wadanka Afghanistan.
Dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa laga soo xigtay in weerarku uu dhacay xilligii salaadda Jimcada.
Atal Shinwari oo ka mid ah shacabka deegaankaasi ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qaraxa la fuliyay abaare 1:30 duhurnimo ee maanta.
Ila wareedyo ka tirsan caafimaadka ayaa laga soo xigtay in ilaa saddex qof ay dhinteen.
Horraantii bishan ayay ahayd markii ugu yaraan 19 qof lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow isbitaalka militariga ee magaalada Kabul halkaasoo in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen.