Xisbiga United Democratic Alliance (UDA) ee lala xiriirinaya madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ugu baaqay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC in ay tallaabo ka qaadaan xisbiga ODM.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib rabshadihii ka dhacay xaafadda Kondele ee magaalada Kisumu maalinkii Arbacada ee toddobaadkan.
Waxaa halkaas lagu dhagaxeeyay kolonyo baabuur ah oo uu la socday ku xigeenka madaxweynaha dalka.
Guddoomiyaha xisbiga UDA horaanna u soo noqday senetarka ismaamulka Machakos , Johnson Muthama ayaa sheegay in IEBC ay tahay in ay ka baaraan degto in ODM laga saaro doorashada guud ee soo socota ee lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadka dambe, si loo diro farriin adag oo ah in aan la aqbali doonin rabshadaha dhaca xilliyada doorashada.
Waxaa uu xusay in IEBC laga dooonaya inay si cad u sheegto in siyaasiyiinta kicinaya kenyaanka aynan ka qayb geli doonin doorashooyinka soo socda.
Muthama ayaa tilmaamay in dhacdo midaan la mid ah lagula kacay ganacsadaha caanka ah Jimi Wanjigi oo u hanqal taagaya inuu u tartamo xilka madaxtinimo, kaasoo lagu dhagaxeeyay ismaamulka Migori, islamarkaana ilaa iyo haatan dowladdu aysan weli wax ka qaban.
Guddoomiyaha xisbiga UDA ayaa arrin lala yaabo ku tilmaamay in ciidamada booliska ee dalka iyo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC aysan arrimaha noocaan ah ka qaadin tallaabo kalsooni siineyso kenyaanka.
Waxaa uu ku eedeeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda ee loo xilsaaray xaqiijinta nabad ku wada noolaanshaha inay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan arrimahan oo kale.
Mr. Muthama ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ee uu hoggaamiyo Samuel Kobia, isagoo sheegay inay ka gaabiyeen doorkoodi ahaa inay tallaabo ka qaadaan hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee qalalaasaha ka dhex hurinaya kenyaanka.
Senetarkii hore ee ismaamulka Machakos ayaa dhanka kale meesha ka saaray hadalkii ka soo baxay taliska booliska ee ahaa in Ruto looga digay in uu booqdo qaybo ka mid ah gobolka Nyanza.
Waxa uu xusay in xisbiga UDA ay ka go’an tahay in doorashada guud ay si nabad ah ku dhacdo isagoo dhanka kale sheegay in aan fursad la siin doonin musharraxiinta rabshadda adeegsada.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto si toos ah ula xiriiriyay qalalaasihii Kondele ayaa shalay iska fogeeyay eedeyntaasi.