Raila oo maanta socdaal ku maraya Ukambani

0
383

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta ololihiisa ku saleysan mideynta bulshada oo geeyo gobolka bari ee uu ka soo jeedo dhigiisa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayuu qorshuhu yahay inuu isku soo bax siyaasadeed ku qabto ismaamulka Makueni ka hor inta uunan socdaal ku marin magaalooyin dhowr ah.
Waxaa Raila Odinga halkaasi ku soo dhaweyn doono barasaabyada kala ah Prof. Kivutha Kibwana (Makueni), Alfred Mutua (Machakos) iyo Charity Ngilu oo hoggaamiso Kitui.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxdan ay horay Raila kula kulmeen magaalada Nairobi iyagoo ka wada hadlay sida ay isaga kaashan karaan arrimaha horumarka iyo siyaasadda.