Hoggaamiyaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika

0
349

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay , shacabka iyo dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.
Waxaa uu u sheegay inuu murugada la qaybsanaya ka dib geeridii ku timid Frederik Willem de Klerk .
Klerk ayaa soo noqday madaxweynihii Koonfur Afrika intii u dhexeysay 1989 ilaa 1994-tii.
Mas’uulkan hore ayaa geeriyooday isagoo 85 sano jir ah waxaana uu u dhintay cudurka kansarka.