Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Ukur Yatani ayaa difaacay dhigiisa arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i iyo Joe Mucheru oo hoggaamiyo wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.
Tani ayaa timid ka dib markii xisbiga UDA uu dalbaday in wasiirradan tallaabo sharciyeed laga qaado maadaama ay siyaasad ahaan la safteen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Hasa ahaate Mr. Yatani ayaa hoosta ka xarriiqay in wasiiradu ay leeyihiin xuquuq siyaasadeed iyagoo u daneynaya horumarka wadanka.
Xilli uu ka hadlay kulan dhexmaray siyaasiyiinta waqooyiga wadanka iyo mas’uuliyiinta dalladda bartamaha Kenya ayuu Ukur Yatani carrabka ku adkeeyay in haddii wasiirku uu ka qayb qaato arrimo siyaasadeed aynan micnaheedu ahayn inuu xeer dastuuri ah ka tallaabsaday.
Home Wararka Kenya Ukur Yatani oo difaacay wasiirro lagu dhaliilay inay siyaasad ku mashquulsan yihiin