Madaxda kaniisadaha oo walaac ka muujiyay dugsiyada la gubayo

0
286

Baadariyaasha kaniisadaha Katholigga ee dalka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay dib u eegis lagu sameeyo hannaanka edbinta ee ardayda.
Guddoomiyaha ururka KCCB Martin Kivuva ayaa sheegay in loo baahan yahay dadaallo la isku dubariday oo lagu saxayo sidoo kalena lagula talinayo ardayda.
Waxay soo jeediyeen in maamulayaasha iyo macallimiinta loo oggolaado inay adeegsadaan qaab kasta oo ay ku xaqiijinayaan nidaamka kala dambeynta ee dugsiyada.
Hoggaamiyaasha kaniisadaha ayaa sidoo kale ku baaqay in daroogada laga sifeeyo gudaha iyo agagaarka xarumaha waxbarashada.
Waxay dhanka kale sheegeen in isbeddelka lagu sameeyay jadwalkii waxbarashada saameynta cudurka COVID19 awgeed uu culeys ku keenay ardayda oo la doonayo in wasaaradda waxbarashada iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ay arrinkan dib u eegaan.