Ganacsatada suuqa degmada Kitengela ee ismaamulka Kajiado ayaa walaaca ka muujinaya khasaaraha ka soo gaaray dab xalay burburiyay hantidooda.
Dabka ayay wararku sheegayaan inuu suuqa ka kacay abaare 7-dii fiidnimo ee xalay.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in suuqa uu gubto in kastoo la guda galay baaritaano xaqiijin ah.
Waxay saraakiisha waaxda dab damiska ee ismaamulkaasi ku eedeyeen inay goobta gaareen 45 daqiiqo ka dib markii uu dabku kacay in kastoo ay waaxdu beenisay dhaliisha ganacsatada.
Qaar ka mid ah dadka halkaasi ku ganacsanayay oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidan u muujiyay