Kenya oo la soo gaarsiiyay in ka badan 700,000 oo ah tallaalka COVID19

0
358

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in xalay wadanka la keenay tallaal dheeraad oo ah nooca AstraZeneca oo gaaraya 765,600.
Waxay Kenya dawooyinka kala soo wareegtay xarunta COVAX.
Qoraal la soo dhigay baraha rasmiga ee wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dawooyinkan ay kaalin ka qaadan doonaan sare u qaadidda tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona ee ka socdo guud ahaan wadanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkan cudurka laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.