Mudavadi:IEBC ha loo qoondeeyo lacago dheeraad ah

0
316

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa soo jeediyay in miisaaniyad dheeraad ah lagu wareejiyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC.
Musalia ayaa xusay in tani ay guddigu u suurtagelinayso inuu waajibaadkiisa sida habboon u guto iyadoo wax caqabad ah aynan jirin.
Sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa siyaasiyiinta uga digay inay faragelin ku sameeyaan guddiga ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda siyaasadeed laga doonayo inay guddiga garab ku siiyaan u diyaar garowga codeynta sanadka 2022-ka.