Booliiska oo baadi goobaya eedeysane la xiriiriyay falal argagixiso oo dhawaan xabsi laga siidaayay

0
494

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa billaabay baadigoob ku aadan nin lagu magacaabo Elgiva Bwire Oliacha oo la waayay 28-kii bishii hore ka dib markii laga soo siidaayay xabsiga Kamiti Maximum oo u ku jiray muddo 10 sano ah, islamarkaana loo haystay eedeymo la xiriira argagixisanimo.
Laamaha ammaanka ayaa aaminsan in Bwire uu maleegayo inuu weerarro dalka ka gaysto, ka dib markii xabsiga laga soo siidaayay.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii aragto eedeysanaha baxsadka ah ay soo wacaan nambarka ah 0800 722 203.
DCI-da ayaa laga soo xigtay in Elgiva Bwire uu wacad ku maray in uu dalka ka fulin doono weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah rayidka iyo shaqaalaha ammaanka.
Waxaa ay intaa ku dartay in dhulka hoostiisa uu gabaad ka dhiganayo, oo la rumeysan yahay inuu qorsheynayo inuu weerarro gaysto.
Bwire oo loo yaqaanay Seif Deen ayaa ku jiray xabsi muddo 10 sano ah, waxaana la waayay isla markii la soo siidaayay, wax yar uun ka dib markii hooyadiis Jacinta Bwire iyo darawalkeedii la afduubay oo ay mar dambe xurriyadooda dib u heleen.
Qareenka Bwire oo lagu magacaabo Prof. Xasan Nandwa ayaa sidoo kale la waayay 29-kii bishii hore waxaana shalay isagoo badqaba laga helay deegaanka Mwingi ee ismaamulka Kitui.