Waxaa lagu soo warramayaa inuu dab ka kacay qaybaha qololka jiifka ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare wiilasha ee Garissa High.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta tacliinta ee ismaamulka Garissa ayaa inoo xaqiijiyay gubashada iskuulka, iyagoo inoo sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan wixii faahfaahin ah oo ku saabsan arrintan.
Dabka ayaa la sheegay inuu kacay xilli ardayda isku diyaarinayeen xisadda koowaad ee 8-dii subaxnimo ee maanta.
Ilaa iyo hadda ma jirto arday ku dhintay ama ku dhaawacmay dabkaas.
Waxaa la soo sheegay in dab u gasytay khasaaro aan la cayimin ilaa iyo hadda.
Si kastaba ahaate laamaha ammaanka ayaa hadda baaritaano ku bilaabay sababta keentay in dugsiga uu dab ka kaco.