Xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa qorsheynaya in 30-ka bishan uu qabto shirweyne si wayn loo wada sugayo.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa soo saaray ogaysiis ka dhan ah shirkan.
Kulankan ayaa ka qabsoomi doono garoonka cayaaraha Kasarani ee magaaladatan Nairobi.
Ajendaha shirka ayaa la sheegay in dib u eegis lagu samaynayo sharciyada u yaalla xisbigaasi iyo dhibaatooyiinka ka dhex jira.
Xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ayaa si wayn ay kala qaybsanaan soo kala dhex gashay ka dib markii uu xumaaday xiriirka madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ahna hoggaamiyaha xisbiga Jubilee iyo kuxigeenkiisa William Ruto.
Hoggaamiyayaasha xulafada la ah madaxweynaha dalka ayaa ku baaqay in William Ruto xisbiga si rasmi ah looga saaro.
Iyadoo sagaal bilood oo kaliya ay ka harsan tahay doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka, xisbiga Jubilee ayaa wali dooran musharrax madaxweynenimo, waxaana uu horay u xaqiijiyay inuu isbahaysi la sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.