Booliska oo beeniyay digniin lagu sheegay inay weerarro ka dhici doonaan dalka

0
418

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay digniin la faafiyay oo tilmaamaysa inay jiraan weerarro qorsheysan oo la doonayo in laga gaysto magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Meelaha digniinta been abuurka ah lagu xusay waxaa ka mid ah xaafadaha Kibera , Islii , maqaayado , goobo dalxiis iyo safaarado.
Booliska ayaa xusay in warkan uunan sax ahayn oo la doonayo in khalkhal lagu geliyo dadweynaha.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa dhanka kale caddeysay in amniga guud ahaan wadanka uu sugan yahay oo la xaqiijiyay badqabka shacabka.
Qoraalka booliska waxaa ku cad in dadweynaha lagu boorrinayo inay digniinta lagu tilmaamay faaliska ee lagu faafiyay baraha bulshada ay iska indha tiraan.