Golaha hay’adaha aan dowliga ahayn oo cambaareeyay weerarrada ay burcadda ka gaysaneyso dalka

0
367

Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs ayaa walaac ka muujiyay amni darrada sii kordheysa ee laga soo tabinaya qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa ugu dambeysay weerar ay maalmo ka hor kooxo burcad ka gaysteen ismaamullada Marsabit iyo Samburu, islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.
Guddoomiyaha golaha NGO-yada dalka Stephen Cheboi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dilalka loo gaysanaya dadka aan waxba galabsan ay tahay wuxushnimo aan la aqbali karin.
Waxaa uu ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay xoojiyaan amniga goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.
Maalinkii Arbacada ee toddobaadkan ayay ahayd markii ay 14 qof dhinteen halka dhowr kalena ay dhaawacyo soo gaareen markii koox burcad ah ay weerar ka gaysteen inta u dhexeysa dowlad deegaanka Turkana iyo waqooyiga ismaamulka Samburu.
Waxaa ka sii horreeyay weerar gaadmo oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari marayay inta u dhexeysa wadada xiriirisa magaalooyinka Marsabit iyo Bardassa.
Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa waxay sheegeen inay si adag u cambaareynayaan weerarrada ay kooxaha burcadda ka gaysanayan qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa uu goluhu intaa ku daray in dilalka iyo dhaca laga gaysanaya dalka ka hor doorashada guud ee sanadka dambe 2022-ka ay tahay mid walaaceeda leh.
Mr. Cheboi ayaa xusay in muwaadin kasta uu xaq dastuuri u leeyahay inuu si nabad ah ugu noolaado dalka, islamarkaana aan naxariis loo muujin burcadda.
Waxaa uu ugu baaqay madaxda laga soo doortay ismaamullada ay dhibaatadu saameysey in ay iska kaashadaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadaha soo noqnoqda.
Guddoomiyaha golaha NGO-yada ayaa sheegay in goluhu ay ka go’an tahay xaqiijinta in nabadda dalka la ilaaliyo.
Waxaa uu ugu dambeyn dowladda ka codsaday inay wax ka qabato weerarrada ay burcadda ka gaysaneyso qaybo ka mid ah wadanka.