DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo ku baaqay in laga heshiiyo iskudhacyada saameeyay xuduudda xoolo dhaqatada

0
543

Guddoomiyaha golaha qaran ee suuq gaynta xoolaha nool kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa bulshada ku nool xuduudda ismaamullada Garissa-Wajeer iyo Isiolo ku boorriyay in ay ka wada hadlaan oo heshiis ka gaaraan dagaallada soo noqnoqday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cid kasta gaar ahaan waxgaradka iyo culimada laga doonayo in ay billaabaan wada-hadallo nabadeed oo dhibaatooyinka mararka qaar dhaco lagu soo afjarayo.