Kalonzo Musyoka oo ballanqaaday waxbarasho dugsiyada sare oo bilaash ah haddii isbahaysiga OKA uu ku guuleysto xilka madaxtinimo

0
414

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in haddii isbahaysiga OKA uu ku guuleysto xilka madaxtinimada ee doorashada guud soo socota uu dalka ka hirgelin doono waxbarasho dugsiga sare oo lacag la’aan ah .
Isagoo ka hadlayay deegaanka Yatta ee ismaamulka Macahakos, ka dib markii uu martigeliyay wafdi ka kooban kooxo haween ah oo ka kala yimid 12 dowlad deegaan oo ku yaalla gobolka bartamaha dalka, ayuu sheegay in wadanku u baahan yahay in la maalgashado sidoo kalena la dhiso tayada waxbarashada heer dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa sheegay in uu dhowr muhiim ah ka qaatay guulihii dhaxalka madaxweynihii hore ee howlgabka noqday Mwai Kibaki oo talada wadanka hayay intii u dhexeysay sanadihii 2002-dii ilaa 2013-kii.
Waxaa uu xusay madaxa xisbiga Wiper in xilligaasi uu kula taliyay Mwai Kibaki in dugsiyada hoose laga dhiga kuwa bilaash ah.
Waxaa uu intaa ku daray in taasi uu soo celin doono haddii la doorto mid ka mid ah musharraxiinta xilka madaxtinimada ee isbahaysiga (OKA).