Taliyaha militariga Suudaan oo amray in la siidaayo wasiirro la xiray

0
330

Taliyaha ciidamada milatariga wadanka Suudaan Cabdel Fattaax al-Burhan ayaa amar ku bixiyay in xabsiga laga siidaayo afar wasiir oo gacanta lagu dhigay xilligii afgembiga .
Wasiirradan ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Hashem Hassab Alrasoul(isgaarsiinta ) Cali Geddo(ganacsiga) Hamza Baloul(warfaafinta) iyo Youssef Adam( dhallinyarada iyo cayaaraha)
Waxay dhammaan ka tirsanayeen xukuumaddii rayidka ee uu talada ka fara maroojiyay militariga Suudaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay weli xiran yihiin mas’uuliyiin kale oo dhowr ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay weli waddo dadaallo looga gudbaya xasaradda siyaasadeed ee dalka Suudaan ka dib afgembigii ka dhacay 25-kii bishii hore.
Ergeyga gaarka ah ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan Suudaan ayaa sheegay in wada hadalladu ay horseedeen qorsho heshiis ah oo dib loogu laabanaya awood qaybsi oo ay ka mid tahay in xilkiisi uu sii wato ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdok.