IGAD oo bayaan ka soo saartay xaaladda Itoobiya

0
350

Urur goboleedka (IGAD) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xoghayaha fulinta , Dr. Workneh Gebeyehu uu si dhow ula socdo walaacna ka muujinaya waxyaabaha isa soo taraya ee dalka Itoobiya.
Isagoo soo xignaya qoraal uu soo saaray 7-dii bishii 11-aad ee sanadkii hore ayuu Dr. Gebeyehu mar kale ku baaqay in colaadda taagan la dejiyo.
Waxaa uu soo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xabad joojin u dhaqan gasho.
Dr. Workneh waxaa uu dhanka kale dhinacyada dagaallamaya u soo jeediyay inay aad isku xakameyaan oo ay ku dadalaan sidii loo xallin lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan.
IGAD ayaa ku talisay in Itoobiya laga billaabo wada xaajood heer qaran ah iyo dib u heshiisiin loogu daneynaya shacabka wadankaasi iyo si guud gobolka.