DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sare u qaaday gurmadka ka dhanka ah saameynta abaarta

0
390

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in sare loo qaaday gargaarka loo fidinayo dadka ku nool 23 ka mid ah ismaamullada wadanka oo ay abaartu saameyn ku yeelatay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in toddobaadkan deeq raashiin ah la gaarsiiyay dowlad deegaanada Makueni , Kajiado iyo Wajeer.
Oguna ayaa xusay in gurmadkan la sii wadi doono si looga hor tago in qof kenyaan ah uu u dhinto abaarta awgeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in saameynta ugu wayn ee abaarta laga dareemayo deegaanada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ee ay ka mid yihiin Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Oguna ayaa sheegay in dowladda dhexe ay la tacaalidda abaarta u qoondeysay 2.4 bilyan oo shilin iyadoo bishii hore 1.2 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah loo adeegsaday in cunno lagu iibiyo.