Ardayda dugsiyada hoose dhexe oo kuwa sare kula biiraya fasaxa gaaban ee 19-ka bishan

0
468

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda tacliinta dalka Julius Jwan ayaa xaqiijiyay in in ardayda dhigata dugsiyada hoose dhexe ee dalka ay ku biiri doonaan kuwa dugsiyada sare ee fasaxa gaaban oo maalmo ah geli doono.
Ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ayaa nasasho aadi doono inta u dhexeeysa 19-ka ilaa 23-ka bishan November.
Dr. Jwan ayaa wareegto uu soo saaray shalay ku amray dhammaan agaasimayaasha waxbarashada ee gobollada dalka iyo sidoo kale agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada inay macluumaadka fasaxa gaaban ee ardayda ku wargeliyaan maamulayaasha dugsiyada sare ee ku yaalla deegaanada ay ka taliyaan.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo dhacdooyinka ay ardaydu ku gubayaan goobaha waxbarashada ee sare u kacay.
Waxaa horaan jadwalka la siiyay dugsiyada dalka ku xusnaa in ardayda fasaxa gaaban aadaan 23-ka bisha 12-aad ee sanadkan.