Madaxa cadaaladda dalka oo amar cusub soo saartay

0
548

Madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome ayaa amar ku bixisay inuu dib u billowdo dhageysiga tooska ah ee kiisaska kala duwan.
Tani ayaa imaanaysa ka dib in ka badan 18 bilood oo maxkamadaha Kenya ay isticmaalayeen qaabka fogaan aragga cudurka COVID19 awgii.
Waxay hoggaamiyaasha maxkamadaha ku amartay inay dardargeliyaan arrinkan si loo yareeyo dacwadaha tirada badan ee xaakinnada hor yaalla.
Koome ayaa go’aankan u aaneeysay hoos u dhaca xaaladaha maalinlaha ah ee cudurka COVID19 gudaha dalka.