Howlgal maandooriye lagu qabtay oo gobolka Mudug ka dhacay

0
290

Howlgal ay xalay fuliyeen Laamaha ammaanka Gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen maandooriye kala duwan, ka dib baaritaano ay Ciidanku sameeyeen.
Ciidamada amamanka ee gobolka Mudug ayaa qabtay 50 kartoon oo ay ku jiraan dhalooyinka Maandooriyaha Khamriga, waxaan si gaar ah looga qabtay laanta 5-aad ee xaafadda Yameyska ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.
Ciidamadda amniga oo hawlgalkaan kusoo qabtey tiradii ugu badnayd oo ah maandooriye khamri oo la doonayay in si sharci darro ah looga ganacsado ayaa waxay sheegeen inay sii wadayaan howlgallada noocaan ah ay ka fulinayaan magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee gobolka Mudug.
Degaanada Gobolka Mudug ayaa tiro dhowr jeer ah waxa loogu soo qabtay Khamri farabadan iyo dadkii watay, waxaan Taliska Booliosku ay horay usoo bandhigeen Maandooriye si sharci darro ah ay degaannadaasi dad ka ganacsada Muqaadaraadka ay u soo galiyeen.