Ardayda oo dugsiyada laga fasixi doono 19-ka bishan

0
954

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in laga billaabo 19-ka bishan oo ku beegan maalin Jimco ah in ardayda dhigata dugsiyada sare ee wadanka la siinayo nasasho maalmo kooban ah.
Waxay fasallada dib ugu noqon doonaan 23-ka November oo Talaado ah.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo dhacdooyinka ay ardaydu ku gubayaan goobaha waxbarashada ee sare u kacay.
Xilli dugsiyeedkan ayaa ku eg 23-ka bisha 12-aad ee Diseembar.
Fasaxa maalmaha ah ee ay u baxayaan ardayda dugsiyada sare waxaa shaaciyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda tacliinta dalka Julius Jwan.