Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa sheegay inuu sii wadayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ilaa go’aan kale laga gaarayo.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maxkamadda uu hor yaalla kiis lagu dalbanaya in IEBC ay diiwaangelinta waddo ilaa 9-ka bishan November.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee wadanka Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay inay u hoggaansamayaan amarkii maxkamadda ee ahaa in muddada diiwaangelinta uu ku ekeyd shalay ay ku kordhiyaan hal toddobaad.
Waxaa dhanka kale maanta go’aan laga soo saari doonaa dacwad ay gudbisay IEBC oo ay kaga soo horjeedo amarkii maxkamadda.
Guddiga ayaa dhammaadkii toddobaadkii saddexaad ee diiwaangelinta oo soo billaabatay 4-tii bishii hore sheegay inuu diiwaangeliyay codbixiyeyaal gaaraya 800,462 in kastoo bartilmaameedsiga guud uu yahay 6 milyan oo qof.