Wararka naga soo gaaraya deegaanka hoose ee Rhamu Dimtu ee ismaamulka Mandera ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Ayax la rumeysan yahay inuu ka soo gudbay dhanka dalka Itoobiya.
Barasaabka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in arrinkan galinkii dambe ee shalay laga soo tabiyay waqooyiga dowlad deegaankaasi.
Guddi farsamo oo maxalli ah ayaa sheegay in Ayaxa uu ku degay dhul dhan 2,000 oo heektar.
Barasaabka Mandera ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay tallaabo falcelin oo degdeg ah qaado.
Waxaa uu soo jeediyay in la adeegsado hannaanka buufinta ee dhanka hawada si looga hor tago in cayayaanka uu ku sii fido qaybaha kale ee ismaamulkaasi.
Dabayaaqadii sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu Ayax saameeyay Mandera ka hor inta uunan ku sii faafin qaybaha kale ee wadanka.