Miisaaniyadda dowladda dhexe ay siiso ismaamullada oo laga dhigay 370 bilyan

0
450

Guddiga qoondeynta dakhliga ee (CRA) ayaa dhaqaalaha ay dowladda dhexe ku wareejiso ismaamullada ka dhigay 370 bilyan oo shilin.
Tallaabadan ayuu guddigu u aaneeyay gaabad dhanka miisaaniyadda ah iyo deymaha qaran.
Waxaa arrinkan maanta shaaca ka qaadday guddoomiyaha CRA Jane Kiringai oo sidoo kale cuskatay saameynta abaarta iyo doorashada guud ee dalka ku soo fool leh.
Guddigan ayaa dhinac iskaga dhigay codsigii golaha barasaabyada ismaamullada ee COG ee ahaa in loo qoondeeyo 381.5 bilyan oo dheeraad ah.
Guddiga CRA ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay deymaha ay dowladda dhexe ka qaadato hay’adaha lacagaha iyo dalalka kale.