Madaxda Maraykanka iyo Turkiga oo wada hadlay

0
337

Hoggaamiyaasha wadamada Maraykanka iyo Turkiga Joe Biden iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa yeeshay kulan looga hadlay arrimo ay labada dal dani ugu wada jirto.
Biden iyo Erdogan ayaa ku kulmay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga .
Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in mas’uuliyiintan ay ka wada hadleen arrimaha gobolka.
Biden ayaa dhigiisa Turkiga u sheegay in codsi la xiriira soo iibsashada diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16 ay tahay inuu maro geeddisocod.
Waxaa uu dhanka kale muujiyay rabitaan ah inuu xalliyo khilaafka u dhexeya labada dhinac.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale madaxdu ay ka wada hadleen ilaalinta xuquuqul aadanaha.