DHAGEYSO:Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay dhibayaan waxkasta oo dhiba maamullada kale

0
393

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay khubad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay furitaankii fadhiga 49 ee golaha wakiillada maamulkaas, ayaa ka hadlay areimo badan oo ay ka mid ahaayeen wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, ammaanka guud ee dalka Soomaaliya, arimaha doorashooyinka iyo abaaraha saameeyay deegaanno badan oo wadanka Soomaaliya ka mid ah.
Mr. Deni ayaa sheegay in waxkasta oo ka soo horjeeda ama lidi ku ah Amniga maamul Goboleedyada kale ee dalka Soomaaliya ay Puntland ka soo horjeedo sidoo kalena Deni wuxuu sheegay inay maamulkiisa ka go’an tahay dhamaystirka doorashooyinka wadanka si dowlad iyo nidaam cusub dalka looga hirgaliyo isagoo ugu dambeyntiina ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee deegaanno kale duwan oo wadanka ka mid ah ay abaaruhu ku saameeyeen.